<>

Dadka ku safra tareenada ee Finland oo noqday dadka ugu qanacsan musaafuriinta tareenada Yurub oo dhan

 Ku qanacsanaanta ay finnishku ku qanacsan yihiin ku safridda tareeranada su’aalo weydiin laga sameeyay islamarkaasna la barbardhigay dadka kale ee ku dhaqan wadamada Yurub ayaa waxaa lagu ogaaday in Finnishku ay ugu qanacsan yihiin guud ahaan. Finnishku waxayaabaha ay sida goonida ugu qanacsan yihiin waxaa kamid ah iibsashada tikidhada oo fudud, nadaafadda tareenada, tirada shaqaalaha ka shaqeeya, heerka maxadooyinka iyo wargelinada. Qanacsanaanta gawnimada iyo ku kalsoonaantu waa ka wanaagsanaadeen sidii ay ahaayeen sanadkii 2011 oo sidan oo kale su’aalo weydiin la sameeyay. Intaas waxaa dheer in 68 % finnishku ay ku qanacsan yihiin wargelinta inta safarka tareenka lagu jiro iyo dhacdooyinka dib u dhacyada ee mararka qaar yimaada sida loo wargeliyo rakaabka.

G3