<>

Diyaarinta Mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheikh oo ka socda magalaada Muqdisho

Waxaa dib u soo cusboonaaday magaalada muqdisho dhaqdhaqaayo siyaasaadeed oo ay wadaan xildhibaanadii dhawaan ka codsaday madaxweynha soomaaliya inuu Iscasilo,kuwaas oo hadda wada  mooshin ka dhan ah madaxweynaha soomaaliya kaas oo la doonayo in loo gudbiyo guddoonka baarlamaanka soomaaliya.waxayna Arrintani sii xoogeysatay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Warar lagu kalsoon karo ayaa sheegaya in xubnaha Xildhibaanada ee todobaadyo ka hor Madaxweynaha ugu baaqay inuu is casilo ay dib u soo laba kacleeyeen, kadib markii maalmihii la soo dhaafay shanqartooda yaraatay, isla markaana kala fur furis lagu sameeyay,waxayna sidaa warku sheegayo ay Shirar gaar gaar ah saacadihii u dambeeyay ku qaateen qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho,waxayna qarka u saaran yihiin in ay si rasmi ah  guddoonka baarlamaanka  ugu gudbiyaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha, halalka warar kale ay sheegayaan  in xildhibaano dibada ku maqan ay sugayaan.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadaasi ayaa sheegay inay heystaan tiradii gudbin laheyd.ayna ka go’an tahay in ay mooshin ka gudbiyaan Madaxweynaha, iyadoo dhinaca kale ay iyana  loolan adag wadaan Xildhibaanada taageersan madaxweynaha, kuwaasoo maalmo ka hor shir ku yeeshay Muqdisho, waxaana kooxdan taageersan Madaxweynaha dadaal ugu jiraan sidii ay yareyn lahaayeen tiradii loogu tala galay ee gudbinta mooshinka.lamana oga waxa ay xaaladdu ku dambeyn karto
Si kastaba ha ahaatee xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho oo maalmo ka hor u muuqday kuwo yaraanayay, ayaa mar kale 24-kii saac  ee la soo dhaafay  dib u soo laba kacleysay wuxuuna dhinac kastaahi doonayaa intiisa meel marto.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

G3