<>

Kumanaan dad ah oo dibadbax cunsuriyadda looga soo horjeedo Sweden ka dhigay maanta

 Kumanaan dad ah ayaa waxay isu soo bax laga soo horjeedo cunsuriyadda ka dhigeen maanta oo sabti ah kuna beegan 21.12.2013. Isu sii baxydan ayaa waxaa laga qabanqaabiyay dalka oo dhan sida Sundsvall iyo Uumaja. Sida wararku sheegayaan Uumaja oo kali ah waxaa isugu soo baxay 1500 oo qofood. Mudaaharaadyadan qabanqaabintooda waxaa sabab u ahaan kadib markii Natsiyiinta cusubi ay mindiyo la dhaceen 2 qofood xilli ay ka qeyqaadanayeen mudaaharaad ka dhacay deegaanka Kärrtorpi, Galbeedka magaalada Stocholm, caasimadda Sweden, mudaaharaadkaas oo laga soo horjeeday cunsuriyadda Tukholma. Xigasho: STTSidoo kale waxaa Sweden Axadda 22.12.2013 la filayaa in ay ka dhacaan dibadbaxyo ay dad badani ka soo qeybgalaan sida ay baahisay warbaahinta dalkaas. Wararku waxay intaas ku sii darayaan in cabashadan darteed uu metroogu safaro ka badan kuwii uu horay u sameyn jiray sameyanyo.

Finnish Somali Tv Videos

G3