<>

Maxaad ka taqaan murashaxa Baarlamaanka Yurub ee Xisbiga Keskusta Mikael Pentikäinen?

 Mikael Pentikäinen wuxuu diyaar u yahay u doodista arrimaha bulshada Soomaaliyeed ee Finland  Musharraxa doorashooyinka Baarlamaanka Yurub ee Xisbiga Keskusta ama dhexe  Miakel Pentikkäinen wuxuu leeyahay taariikh dheer oo uu ku fahmi karo qurbajoogta Soomaaliya iyo Islaamka. Aabihiis Juha Pentikäinen cilmiga diinta ka dhigi jiray jaamacadda Helsinki, wuxuuna cilmibaaris ku sameeyay Islaamka islamakaana uu dhigi jiray Diinta Islaamka.  Mikael walaakiis Antti Pentikäinen Agaasimaha waaxda kaalmada dibadda ee Kaniisadda, wuxuuna si hagar la’aan ah wax uga qabtay arrimaha qurbajoogta Soomaalida ee dalkan ku dhaqan. Dhanka Kaniisadda qeybteeda kaalmada dibaddu waxey shaqaaleysay dhowr qurbajoogta Soomaalida ka tirsan waxeyna la sameysay soomaaliya kala sameysay arrimo dhinaca nabadda la xiriira iyagoo kaashanaya hogaamiyayaasha dhaqanka iyo diinta. Shaqada kaalmada dibaddu waa mid hogaamiyayaasha dhaqanka dhexdooda aad looga yaqaan islamarkaasna looga tixgeliyo gudaha Soomaaliya. Mikael Pentikäinen ayaa waxaa uu yiri mar uu wareysi siinayay telefishinka Soomaalida ee Finland ”Soomaalida Finland waa koox waddaniyiin ah oo dadaal badan oo la kulmay qaladaad badan oo iska necbaasho. Markii aan ahaan tifaftiraha guud ee Helsingin Sanomat waxaan muhiim u arkayay in cunsuriyadda wax laga qoro iyo in saxaafadda lagu soo daro suxufiyiin asal ahaan ka soo jeeda dibadda. ”Waxaan ku faanayaa taakuleynta iyo tabarrucaadda ay qurbajoogta Soomaalida ee Finland i siinayaan, waxaana diyaar u ah markasta inaan idiin ahaado mid aad heli kartaan”. Mikael Pentikäinen oo hadalkiisi sii wata ayaa waxaa uu yiri ” Islaamku waa diin Yurub, sidaas darteed innaga ka soo kala jeedna meelo kala duduwan waa inaan baranaa in aan wada noolaano islamarkaasna is xushmeyno. Aniga naf haanteydu waxaan ka soo jeedaa dad laga tiro badan yahay , sidaas darteed ayaan aad uga gilgilshahaa islamarkaasna uga soo horjeedaa takoorista dadka laga tirada badan yahay”.

Finnish Somali Tv Videos

G3