<>

MM Kastan Macalinkaygii Saxaafadda Geeriyay Xishoodlay Xijiyaay Fogeeyey Tafatiraha Shabakadda HALBEEG Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba

Heeryada guudkaaga saaran Haddii Kastamba maanta  la sheegay Ha taahin galiilyadee Garwaaqso inuu god galay Jiiftada ku gufee xanuunka Gaadhsii Aadmiga ladhkaaga.Macalinkii Saxaafadda Somaliland Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam (MM KASTAM) Ilaahay Ku Naxariiso Qabrigana Ku Nuur
Maanta waxay ii  ahayd maalin aad u xanuun kulul, labadayda dabnood  iyo carabkayga dulkiisuba waxay si rabaani ah u diideen in ay wax la quuto dhadhamiyaan, markaan arkay geerida naxdinta leh ee macalinkaygii, saaxiibkay, walaalkay, alla naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiyo, qabriga ha u nuuro, jidkii saalaxiinta iyo ambiyada ha mariyo, hana geeyo jannatul fardawsa eh Macalinkii, taariikh yahankii, suxufigii weyna Maxamed Maxamuud Kastam (MM KASTAM), oo badiba bahda warbaahinta Somaliland haldoorka u ah maanta  aanay jirin cid aqoontiisu ku seegnayd.
Waxay ahayd sannadkii 1995 kii markii aanu is baranay Maxamed Maxamuud Kastam alla ha u naxariistee isagoo ka mid ahaa soo saarayaashii wergeyskii Jamhuuriya, oo waagaasi ahaa wergeyskii ugu horeeyey ee qaab jariirad madbacadeed ah lagu daabici jiray, isla markaana xudun u ahaa bahda dhalinyarada ah ee waagaasi warbaahinta ku cusba.
Qallinku ma qori karo, caqligu ma qiimayn karo, garashaduna ma qeexi karto shakhsiyadda, qofnimada, dabeecadda, naxariista, wanaaga, asluubta, xishoodka, kal-garashada, aftahanimada, iyo deeqsinimada uu MM KASTAM caanka ku ahaa, weligay indhahaygu may qaban kastam oo qof ay is haystaan, Kastam oo qof ka soo cawday, Kastam oo qof dhibay, wuxuu ahaa nin aad u afgaaban, cibaadada iyo alla ka cabsigu u ahaa callaamad.
Wuxuu ahaa macalin badiba da’yartii sagaashanaadkii ilaa maalinka maanta warbaahinta Somaliland ku jiray u ahaa haldoor, wuxuu ahaa macalinkii ii qabtay qallinka qaabka loo qoro wararka, loo soo saaro wararka, loo tafatiro wararka, loo farshaxameeyo, loo falsafadeeyo, loona ifafaleeyo faallooyinka iyo qaab qoraalka.
Wuxuu ahaa macalinkii i baray qaabka loo bilaabo faallooyinka wararka, qaabka loogu gudo dhaco, qaabka loo xidho, qaabka loo weedheeyo, iyo qaabka loo sameeyo hal ku dhigyada ciwaanadda wararka.
Alla naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye wuxuu yaraantiisii ku barbaaray magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo Aabahii ka mid ahaa shaqaalahii dawladda ee waagaasi ka hawl gallaayey magaalada Muqdisho, wuxuu ka mid ahaa dadkii diiday inay dalka dibadda uga dhoofaan, ee Hargeysa ku soo noqday horaantii 90-nadkii, wuxuuna ka mid ahaa haldooraddii bilaabay warbaahintii Somaliland ee la curatay qaranimada Somaliland.
Wuxuu caan ku ahaa faallooyinkii magaciisu dadka baray ee ka hadli jiray nolosha iyo siyaasadda mandaqadda Beriga Afrika, wuxuuna ahaa suxufigii ugu horeeyey ee aan xasuusto isaga iyo Axmed Ducaale ee faallo wareedyada caanka ku ahaa.
Muu ahayn nin faan badan, mana ahayn dadka jecel inuu warbaahinta ka muuqdo, wuxuu ahaa maskaxda xagga danbe kaga jirta wararka ugu waaweyn ee Somaliland iyo mandaqadda ka dhaca.
Ilaahay waxaan uga baryaya inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qabriga u nuuro, raaciyo jidkii saalaxiinta iyo ambiyada, waxaanan ka xumahay inaanan ka qayb geli karin maanta aaskiisa oo aan jecla inaan ka qayb gallo, waxaanan shacabka Somaliland iyo bahda warbaahinta ka codsanaya inay u duceeyaan wuxuu inoo wada ahaa dugsi iyo Aabo aynu waynay.Mohamed Abdi Hassan DiridhabaMadaxa HALBEEG MEDIA GROUP Ahna Tafatiraha Halbeegnews.
Weblinks: 
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

G3