<>

Sanadka 2013 oo noqday sanadkii ugu xumaa badeecada dahabka mudo ka badan 30 sanadood

 Dahabka loo heysto wax la hanti la gashadu kan ugu ammaanka badan ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa uu u ahaa kii ugu xumaa mudo sodon sanadood ka badan sida uu xafiiska warbaahinta Bloomberg uu sheegay.   Arrintan ayaa waxaa sababay baa la leeyahay dhaqaalaha caalamka oo shaaca ka qaadmay kadibna sababay halis u bareerista dadka wax hanti gashada.   Tan darteed waxay dadka dhaqaalaha ka faallooda sheegayaan in hoos u dhaca qiimaha dahabku uu bidhaaminayo caalamad wannaagsanoo soo kabashada dhinaca dhaqaalaha ah.   Sanadkii tegay qiimihii dahabka ee sare u kacayay mudo 13 sano ah ayaa hoos u wiiqmay  boqolkiiba  28 . Waa markii ugu xumeyd ee uu dahabku qiimo ahaan sidan hoos ugu dhaco tan iyo sanadkii 1981kii.   Hoos u dhaca qiimaha dahabka ayaa sidoo kale la filayaa in uu sanadka 2014ka sii socda sida xafiiska warbaahinta ee Bloomberg lagu shaaciyay. 

Finnish Somali Tv Videos

G3