<>

WARARKA FINLAND OO LA SOO KOOBAY

 leysinka baabuurta lagu wado oo loo ololeynayo in qiimihiisa la dhimo  Iskaashada iskuullaaadka wadista baabuurta lagu barto ayaa waxay dooneysaa inay barashada wadista baabuurta lacagta ku baxda canshuurta laga bixiyo meesha laga saaro. Leysinka baabuurta lagu wado barashadiisu waa waxbarashada kali ah ee dalka Finland haatan si sharciga waafaqsan canshuur looga bixiyo, waxbarashooyinka kale waa canshuur la’aan. Iskaashatadu sida ay qabto haddii xeyndaabka canshuurta laga bixiyo barashada leysinka baabuurta lacagta ku baxda sidaas wuxuu leysinku qiimo ahaan hoos ugu dhacayaan 400 oo yuuro.  Arrin kale oo ay qabaan iskaashatadu waxaa weeye  lacagta ku baxda barashada wadista baabuurta ee leysinka lagu qaato in la geliyo xeyndaabka xaq  u yeelashada in canshuuraadku ay ku daraan qarashkaas qarashaadka ku baxa dhaqaalaha guriga.  Sidaas haddii la yeelanaya waxaa uu leysinku qiimo ahaan hoos u dhacayaa lacag dhan 700 yuuro.   

G3