<>

Xildhibaan Cabdalla Boos oo Baarlamaanka ugu Baaqay inaan Laga Hadlin Arrimaha Badaha Soomaaliyeed

Muqdisho (RBC) Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaanada u soo jeediyey inaan la furin dood ku aadan sharciyada badaha dalka kadib markii meel adag lagu xiray, sida uu yiri.
Xildhibaan Cabdalla Boos ayaa sheegay in baarlamaankii ku-meel gaarka ahaa ee Soomaaliya uu meel adag ka istaagay ka hadalka badaha Soomaaliya kadib markii dawladii ku-meekgaarka ee Cumar C/rashiid ay ku dhacday dabin loo dhigay oo la doonayey in badda Soomaaliyeed lagu iibsado.
“Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka Soomaaliyeed in aynaan fuin arrin aynu mar hore meel ku xiirnay,” ayuu yiri xildhibaanka oo ka hor hadlay mudanayaasha.
Xidhibaan Cabdalla Boos Axmed ayaa hadalkiisa hordhac u ahaa hindise sharciyeedka sharciga badahha dalka oo la diyaarinayo kaasoo lagu in baarlamaanka la horgeeyo dhowaan.
Hadalka xildhibaanka ayaa soo baxay kadib markii dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in dawlada Kenya oo ka mid ah AMISOM ay weydiisatay dawlada Soomaaliya inay maraakiibteeda dagaalka keento duleedka xeebta Muqdisho si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka AMISOM, arintaasoo dawlada Soomaaliya ay diiday.
Baarlamaanka federaalka ayaa xildhibaano ka mid ah waxay sheegeen inay dib u celin doonaan haddii sharci wax u dhimaya xuquuqda badaha Soomaalida la keeno baarlamaanka.
 
RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 
//-->
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

G3