<>

Dhoolatuska dhiiga lagu daadinayo

8th January 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Yaa joojin kara in dhiiga Beesha Dhulbahante lagu daadiyo dhoolatus Beeleed ?
Madaxweyne kasta ee soo maray maamulka beelaha Isaaq ku midaysan yihiin ee SNM, Si uu bulshada Irisamaale ee ku nool gobolada waqooyiga Soomaaliya u tuso inuu yahay nin adag oo aan loo geli karin wuxuu dhoola tus ku sameeyaa inuu si sahlan ku daadiyo dhiiga bulshada aan hubaysnayn ee ka soo jeeda gobolka Sool ama degaano ka mid ah gobolka Sool ayaa inta Tikniko soo geliyaan waxay ka qaataan sawiro ay hadhow soo geliyaan websetyadooda, si ay taariikh hor leh u samaystaan
Ma jirto beel Soomaaliyeed oo Isimadooda iyo waxgaradkoodu ka aamuseen oo aan jawaab ka bixin intii dagaalada sokeeye Soomaaliya ka socdeen wixii maanta ka dhacay Tukaraq, oo dad aan hubaysnayn oo aan colaad sugayn inta Tikniko la dul keenay oo la qabsaday, la argagx geliyey la yiri waa dhoola tus loo dirayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Dawladda federaallka.
Cigaal , Tuur, Riyaake, Siilaanyo dhamaantood arinta ay dhiiga Dhoolatuska ku dadiyeen waa sameeyeen. Muuse Biixina maanta ayuu sameeyey, waana ogyahay inaan lagula xisaabtamayn oo qaar ka mid ah beesha uu sidaa ku sameeyey ay ugu sacab tumi doonaan.
Ugu danbayntii, canbaarayn, warsaxaafadeed iyo bulshada caalamka oo la ogaysiiyaa joojin maayan Isaaq oo doonaya inay taariikh hor leh samaystaan.
ALLSANAAG
Post navigation
- Dawladda Puntland oo warsaxaafadeed ka soo sartay duulaankii Qaawanaa ee beesha Isaaq Kaftanka Siyaasadda Xilka Qaadisti Yusuf Garaad,Sheekooyin Ugu Xiiso Badnaa -
storvideo: 

G3