<>

Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan G/ Hiiraan

Baladweyne ( Sh. M. Network )-Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Waxaana la sheegay in Ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen gacan ku heynta deegaano dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee Gobolkaasi.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in howlgal Waddo furis ah ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta G/ Hiiraan.
Waxaana ay tilmaameen in ay la wareegeen deegaano hor leh oo muhiim u ah, sida ay sheegeen isku socodka Gobolkaasi.
Al Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle, kuwaas oo inta badan weeraro ka fuliya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
The post Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan G/ Hiiraan appeared first on Shabelle.

G3