<>

Wareysi: Weriyayaal Lagu Xakumay Boorama

Maxkamadda degmada Boorama ayaa dhawaan labo wariye oo kala ah Maxamed Cabdullaahi iyo Axmed Diiriye ku xukuntey 2 sano oo xarig ah, ka dib markii ay maxkamaddu ku qanacdey eedeyntii xeer-ilalinta ee ku saabsaneyd warar been abuur ah oo ay wariyeyaashu ku daabaceen bog ay iyagu lahaayeen.
Ururka suxufiyiinta Soomaaliland iyo qareenkii eedeysanayaasha ayaa racfaan ka qaatey xukunkan isla maalintiiba.
Ma aha markii ugu horeysay oo wariye ka howgala Soomaaliland loo xiro eedeymo shaqadooda la xiriira.
Sababaha soo noqnoqshada arrinkan waxaa ka mid ah tayada aqooneed ee wariyeyaasha.
Haddaba, Jaamac Buule Jaamac ayaa arrimahaasi ka waraystay Maxamed Xaamud Cabdullaahi, oo ah maamulaha Mac-hadka SAW ee Boorama oo lagu barto saxaafadda.
Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:52
0:00:00 /0:02:52
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

G3