<>

Soomaalida Itoobiya ku Dhaqan oo ka Cabanaya Oromada

Waxaa wali taagan oo aan xal dhameystiran loo helin colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada ee kuwada dhaqan gudaha dalka Itoobiya.
Waxaa Laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA soo gaara cabashooyin ka imaanaya dadka Soomaalida ah oo sheegaya in ay naftooda halis ku jirto.
Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal ayaa faahfaahinta warkaasi uga warramay wariyaha VOA ee Jacfar Kuukay.
Pop-out player
Colaadda labadan qowmiyadood oo salka ku haysa mid dhuleed ayaa aad isu soo tareysay tan iyo dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ee 2017.
Mas'uuliyiin ka tirsan qowmiyadda Oromada ayaa dhinacooda horey u sheegay in ka badan 55,000 oo Ormo ah ay ka barakaceen gobolka Soomaalida oo ay ku nool yihiin cooshado ku dhex yaala xeryaha qaxootiga.
Afhayeen u hadlay oromada oo la yiraahdo Adisu Arega ayaa sidoo kale mar sii horreeysay sheegay in dadka Oromada ah ee barakacay ay gaarayaan 4 boqol oo kun, kuwaasoo sida uu sheegay ka cabsi qaba weerarro uga yimaada askarta booliska gaarka ah ee gobolka Soomaalida.
Masuuliyiinta Oromada ayaa intaa raaciyay in 18 qof oo Soomaali ah oo kaliya la dilay, iyadoo ay Oromaduna ka barakacayeen magaalooyinka iyo xaafadaha Soomaalida iyagoo ka cabsi qaba aargoosi.
Soomaalida iyo Oromada ayaa uu dhinacba dhinaca kale ku eedeynayay gumaad iyo baro kicin.
Waxaana adag in la helo xogta rasmiga ah ee khilaafkan iyo inta ay dhibaatadu la eg tahay maadaama ay adag tahay in la helo xog ka madax bannaan labada dhinac ee ay colaaddu dhex taalo.
storvideo: 

G3