<>

Dalka Somaliland marka aan kula yeesho taladiisa iyo...

Dalka Somaliland marka aan kula yeesho taladiisa iyo khayraadkiisa aad maroorsatay ayaan kula difaaci.
Waxa Daabacay staff-reporter on Jan 9th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Inkasta oo aanu sidiisaba dagaal fiicnayn, oo weliba dhiig sokeeye ayaanu fiicnayn, haddana marka lagu yidhaa DALKA ILAMA LIHID......Waa sida Muse Bixi uu u dhigay, ee ku cad dawladdiisa ka tarjumaysa......talada annaga uun baa iska leh. Miyaanan anna xaq u lahayn in aan idhaahdo, ' waayahaye difaaco oo kuwa aad sadbursiiyaha siisay ha kuu difaaceen.
Sidaa marka aan leenahay amma aan u fakaraynaa maaha sidii la reer Somaliland isku ogaayeen, ee waa sida immiga taagan ee aan ku niyad jabay Muse Bixina ku hoggaaminayo dalka, in badan oo innaga mid ahn ka fogeysey magaca Somaliland. Mase garan waayin in aan taageero hadalka Suldaan Saleebaan ee ku qotoma masiirkii aan isla ogayn ee Somaliland.
Suldaan Saleebaan oo ah oday dhaqameed guun ah, ruug caddaadi ahina waxa uu indhaha iska qabtay dhaqanka Muse Bixi ee isugu jira bahdilka, cadaawadda iyo kala ogaynta reeraha ku bahoobay Somaliland. Sidii kale waxa uu og yahay in uu Muse Bixi dadkiisii indhaha ka laliyey oo uu aar-goosi dartii taladii dalka waxba ka siin waayey. Hadalkiisuna waxa uu ciil ku gadhoodhiyey in badan oo dadkiisa ah, walaalaheenna reer Puntland ah amma in badan aan ood wadaagta nahay. Somaliland iyo Puntlandna midna maanta uma habboona in uu dagaal ku fakaro. Laakiin hadalka Suldaanka wax badan ayaa ka run ah.
Dhinaca kale colaadda Somali dhex martaa waa KUGU DHIMAY OO KAA DHIMAY. Labada maamul ee Somaliland iyo Puntlandna midkoodna guul ma sheegan karo, dhallinta isku dhimanaysa amma dhaawacu soo kala gaadhayaana waa mid doqonniimo, waxana fiican in xal la gaadho.
Gaba gabadii, waxa aan soo dhaweynaynaa dhammaanba inta nabadda ka talisa, inta walaalnimada jecel, ee u hiilinaysa nabadda iyo Somalinimada.
Awdalpress
This post has been viewed 200 times.
storvideo: 

G3