<>

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Qardho

Qardho ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa safar dhanka dhulka ah ku gaaray Magaaladaasi, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.
Waxaana Saacadaha soo socda Madaxweyne Farmaajo uu kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta degmadaasi, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
3-dii Maalin ee la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed “Famaajo” ayaa ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Waxaana la filayaa sidoo kale in socdaal uu ku soo maro Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, halkaas oo laga dareemayo qabanqaabada soo dhaweynta MD Farmaajo.
The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Qardho appeared first on Shabelle.

G3