<>

Ku Simaha Taliyaha NISA “Dabaaldagga Sanadguurada 48...

Muqdisho. 10.01.2017, Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u dabaa degtay 08 01 2018 oo ku beegneyd sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay 8-dii Janaayo 1970-kii.
Munaasibad ballaaran oo lagu qabtay taliska dhexe Hay'adda NISA ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeybgalay madaxda ugu sareeya dalka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Ra;iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Fedaralaaka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale, Xubno ka tirsan sadexda Gole ee dowladda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore ee NISA iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay dabaaldagga.
Sidoo kale munaasibadda waxaa lagu casuumay Fanaaniin Soomaaliyeed sida Fanaanadda Qaran ee Hoballada Qaranka Waaberi Faaduma Cali Jaamac (Nakruuma) iyo Kooxda Hilaac oo halkaas ku soo bandhigay heeso iyo ruwaayad ka hadleysay Amniga iyo falalka guracan ee Al Shabaab, iyagoo soo bandhigay ruwaayad hal ku dhiggeedu ahaa (SHABAAB QARAX WADA HA U QIIL DIYIN), sidoo kale kooxda Baanda Muustiko ayaa iyana si talantaali ah u garaacayay muusig Astaanta Qaranka iyo Astaamo kale oo wadani ah.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo heegan sare lagaliyay ciidamada amniga si looga hortago isku dagy walba oo ay qorsheynayeen kooxaha xagjirka Al Shabaab in ay ku carqaladeeyaan Ammaanka Magaalada Muqdisho inta lagu gudajiray dabaaldagga munaasibadda Sanad guurada aas aaska Hay'adda NISA.
Madaxdii iyo mas'uuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qeybgalay xafladda ayaa jeediyay Qudbado qiiro leh oo ay ku muujinayeen qiimaha qaranka Soomaaliyeed ay uga fadhiso NISA, waxayna si weyn uga hadleen taariikhda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soomaray, iyagoo ku ammaanay dadaalka Sirdonka iyo Amni Sugidda ee ay har iyo habeen ay u taaganyihiin Ciidamada iyo Saraakiisha NISA, iyo sida ay uga go'antahay in dalka dadka iyo diinta ay ka difaacaan cadawga gudaha iyo kan dibadda.
Mas'uuliyiinta Qudbadaha ka jeediyay Xafladda ayaa dhammaantood uga tacsiyeeyay Shuhadadii NISA uga dhintay difaaca Qaranka, iyagoo ballanqaaday in ay taageero buuxda la garab istaagi doonaan agoontii iyo ahelladii ay ka bexeen.
Waxaa Xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo booqasho ku marayay Goballada Puntland uu halkaasi isna uga soo hambalyeeyay taliska NISA .
Ugu Dambeyntii Kusimaha Taliyaha ahna taliye ku xigeenka HSNQ G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sanadguurada 48-aad ee NISA Aawadeed u hambalyeeyay Sareeyeyaasha, Saraakiisha, S/xigeenada, Alifleyda, Dableyda, howlwadeenada HSNQ Xaasaskooda iyo Caruurtooda, isagoo u rajeeyay Sanad Wacan oo Amni, iyo Xasillooni barwaaqo xambaarsan.
Sidoo kale ku simaha taliyaha ayaa Shuhadadii ka geeriyootay NISA Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo dhaawacyadana u rajeeyay caafimaad taam ah in Rabbi siiyo.
Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa siweyn ugu mahadceliyay Mas'uuliyiintii iyo Marti Sharfkii kala duwanaa kasoo qeyb galkooda xafladda, isagoo si gaar ah ugu ammaanay dadaalkooda iyo howl karnimadooda guddigii qaban qaabada xafladda, ciidamada kala duwan ee NISA oo Amniga adkeeyay, waxaana xafladdu ku soo dhamaatay Jiwi daggan, guul iyo reynreyn.
storvideo: 

G3