<>

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha oo gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta G/ Galgduud, kuwas oo la sheegay in ay hordhac u yihiin wafdiga madaxweynaha oo ku wajahan magaaladaasi.
Tiro Xildhibaano ah ayaa gaaray magaaladaasi Dhuusamareeb, kuwaas oo u sii gogol xaaraya wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamd C/laahi Maxamed farmaajo oo la filayo in ay gaaraan magaaladaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii dambe socdaal ku marayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland, waxaana socdaalkiisa la sheegay in uu ku soo gabagabeyn doono deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug.
storvideo: 

G3