<>

Arrin aad looga argagaxo oo ka dhacday magaalada...

Dhacdo aad looga naxo ayaa ka dhacday degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir, kadib markii hooyo xoogsato ah ay ku dhex umushay musqusha dhexdeeda, kadibna ay ilmihii ay dhashay ku riday godka saxarada.
Hooyadaan shaqaale ka aheyd guri ku yaal degmada Dharkiinley, iyadoo markii ay ku dhex dhashay musqusha kadib ay ilmihii iyo ibadii kasoo baxday ay ku riday musqusha taasoo ka fajacisay dadkii guriga degnaa.
Dadka guriga deganaa ayaa ku ogaaday ooyinta cunuga yar oo tubada saxarada qaata ka dhex ooyneysay ilmahaasi yar oo gabar aheyd.
Lama oga halka ay u baxsatay hooyada ilmahaasi dhashay, waxaase qaatay haweeney kale oo jecleysatay in ay korsato ilmahaasi yar.
Dhacdadaan ayaa si weyn looga argagaxay, iyadoo fajaciso ku noqotay dadka deegaanka. waa fal naadir ah oo horay loogu arag magaalada Muqdisho.
storvideo: 

G3