<>

Dib u dhac ku yimid Munaasabad lagu soo afjarayo Heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug

Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiska ay dhawaan wada gaareen Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug, taas oo la filayay in maanta ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.
Munaasabadda ayaa la sheegay in ay u baaqatay arrimo farsamo iyo sidoo kale wafuudii la filayay in ay tagaan magaaladaasi oo aan weli dhameystirmin.
Sidoo kale waxaa maanta la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan Madaxweynayaasha Maamullada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed, si ay uga qeyb galaan Munaasabadaasi.
Waxaana Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ku sugan MD Famaajo oo shalay gelinkii dambe, si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.
The post Dib u dhac ku yimid Munaasabad lagu soo afjarayo Heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug appeared first on Shabelle.

G3