<>

Faah Faahinno ka soo baxaya Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho  ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo Bombaano oo Xalay ka dhacay Xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Qaraxa koowaad ayaa lagu weeraray fariisin Ciidamada DFS ay ku leeyhiin nawaaxiga Baar Jowhar Xaafadda Suuqa Xoolaha ee demadaasi Heliwaa.
Sidoo kale qaraxa labaad ayaa la sheegay in lagu weeraray Hoyga uu Heliwaa ka dagan yahay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradaasi Bombaano.
Mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmadaasi oo ku aadaan qaraxyadaasi.
Balse waxaa Saakay howlagllo ballaaran Ciidamada Dowladdu ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
The post Faah Faahinno ka soo baxaya Qaraxyo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

G3