<>

Hogaamiye Waare oo wareegto ku magacaabay Guddoomiye...

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Beledweyne (- Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Waare ayaa waxaa xilka looga qaday Guddoomiyihii Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Aadan Axmed Xefow.
Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Cabdi (Qalaafoow).
Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay kiisas xad gudub ah, waxa uuna sidaa ku waayay xilkiisa, kadib markii kiiskaasi uu gaaray Hogaamiyaha maamulka.
Guudoomiyaha Cusub ee degmada Baladweyne ayaa horay u soo noqday Guudoomiyaha degmada Baladweyne, waxa uuna xilkaani qabanayaa markii labaad.
Maamulka Hirshabeelle ayaa dhowr mar isbedel ku sameyay Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

G3