<>

Shirka Mideynta Galmudug iyo Ahlusuna oo lagu wado...

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Cadaado (- Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta uu qorshuhu yahay inuu dhaco shirka dhameystirka Mideynta maamulka Galmudu iyo Ahlusuna.
Shirkaan ayaa lagu dhameystirayaa heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo horay ugu kala duwanaa Siyaasada.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Hogaamiyayaal maamul Goboleedyo, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan.
Farmaajo oo ku guda jira xalinta khilaafyada ka jira Gobolada dalka ayaa xalay kulamo la qaatay dhinacyada Galmudug iyo Ahlusuna, Odayaasha dhaqanka, wuxuuna u sheegay inay muhiim tahay in heshiiskan la dhameystiro si horey loogu sii socdo.
Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusamareeb, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda, kuwa Galmudug iyo kuwa Ciidanka Hiil walaal ee dalka aan walaalaha nahay Jabuuti.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.- OnlineXafiiska Cadaado-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

G3