<>

Wada hadaladii Nabadda ee degmadda Caabudwaaq oo...

SHARE
Facebook
Twitter
?
Caabudwaaq (SONNA), Sheekh Abuubakar Bashiir C/laahi La-taliyaha arrimaha Diinta ee Madaxaweeynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxweynahu uu u xil saaray Dhamaystirka Qorshaha Nabadaynta Bulshada degmadda Caabudwaaq ku nool ayaa Ku Guulaystay in Xal laga Gaaro Xiisadii u dhaxaysay Qaar ka Mid ah beelaha Dega degmadaasi.
Waxaa lagu Guulaystay in la is hor Fariisiyo Labada Dhinac si ay u dhaqan galiyaan dadaalada Nabadda Bulshada ku dhaqan Degmada Caabudwaaq kaasi oo dhamaystir u ah Qorshahii Bilowga ahaa ee Madaxweeynaha Soomaaliya uu halkaa ka unkay.
Ciidamo isku dhaf ah ayaa Laga hirgaliyay Degmadaasi kuwaasi oo ka qayb qaadanaya Xasilinta amniga Magaaladda si looga hortago isku dhacyo Marka kale Dhex mara Beelahii la Heshiisiiyay.
La-taliyaha arrimaha Diinta ee Madaxaweeynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuubakar Bashiir C/laahi ayaa sheegay in ay Guulaysteen Dhamaystirka Heshiis Nabadeed oo ay dhex dhigaan Dhinacyada Beelahii isku hayay Degmada Caabduq Waaq, laguna Guulaystay Sameynta ciidamo Nabasugid ah oo Hanta Amaanka, si ay dadku ugu Wada Noolaadaan Magaalada si Nabad ah.
Socdaalkii Nabadda ee Madaxweeynuhu uu ku Tagay Degmadda Caabudwaaq, ayaa waji cusub u furay bulshada ku Dhaqan Caabudwaaq, iyaddoo uu Dib u furmay isu socodkii dadka oo ay kala xirtay colaad sokeeye oo socotay in Mudda ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiirka Maaliyadda XFS oo daah furay mashruuc shaqo loogu abuurayo Dhalinyarada
storvideo: 

G3