<>

Muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali Oo lagu xiray Turkiga

Ankara ( Sh. M. Network )-Illaa iyo 41 muhaarijiin ah oo ay Soomaali ku jirto ayaa lagu xiray Turkiga, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee dalkaasi.
Ciidamada ilaalada xaduuda Turkiga ayaa gacanta ku dhigay 18 ka mid ah Tahriibayashan oo doonayay in ay Doon ka raacaan Badda u dhaxeysa Greek iyo Turkiga.
16 ka mid ah muhaajiriintaasi ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan dalka Syria, halka labada kalena ay ahaayeen muwadiniin Soomaaliyeed.
Sidoo kale sarakiisha Turkiga ayaa sheegay in dadka ay soo qabteen ay ku jireen Haween iyo Caruur, kuwas oo ka mid ahaa Tahriibayashaasi oo doonayay in ay Doonta uga gudbaan Badda u dhaxeysa dalalka Greek iyo Turkiga.
Dhanaca kale Ciidamadda ammanka ee dalkaTurkiga ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen gobolka Kirklareli ee Waqooyiga Bari dalkaasi waxa ay ku soo qabteen illaa iyo 23 muhaajiriin ah, kuwaasi oo sharci la'aan ku soo galay dalkaTurkiga, sida ay sheegeen ilo ka tirsan saraakiisha Ciidamada dalkaasi.
Turkiga ayaa ka mid ah marinada ugu waa weyn oo ay muhajiriintu uga gudban Qaaradda Yurub, tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka bilowday dalka Syria.
storvideo: 

G3