<>

Guddoomiye Jawaari Oo laga dalbaday in uu Is Casilo

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa weli isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cisman Jawaari, kuwaasi oo ku aadan in uu baneeyo kursiga guddoomiyaha 1-aad ee Baarlamaaka Soomaaliya.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiye Jawaari ku eedeeyay in uu baaal maray Dastuurka dalka, islamarkaana uu sameynayo waxa uu doono.
Dhankiisa Xildhibaan Aadan Madoobe Nuunow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sh Cismaan Jawaari in uu Is Casilo.
Waxaana uu intaasi ku daray in ay muhiim tahay in la soo afjaro xasaradaha siyaasadeed ee haatan ka dhex jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/cod-xildhibaano.mp3
The post Guddoomiye Jawaari Oo laga dalbaday in uu Is Casilo appeared first on Shabelle.

G3