<>

Kumanaan wali ka qaxaya bariga Quuta

Milateriga dowladda Ruushka waxaa uu sheegay in dadka rayidka ah ay isaga qaxayaan bariga magaalada Quuta. Inkabadan shan kun oo qof ayaa lagu soo warramay in maanta oo axad ah ay isaga qaxeen bariga magaaladaasi.
Ciidammada dowladda Suuriya iyo maleeshiyaad gacan saar la leh ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ay ku sii siqayeen magaalooyiin hor leh oo ku yaalla bariga Quuta.
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha Suuriya ayaa waxay sheegeen in ciidammada dowladda ay dib u qabsadeen magaalooyiinka Saqba iyo Kafra Batna oo ay horey u haysteen mucaaradka.
Magaalooyinkani ayaa Jimcihii waxaa loo gaystay duqaymo xooggan oo ay dad badani ay ku dhinteen.
Dagaal culus oo muddo bil ah ka socday bariga Quuta ayaa waxaa hataan la sheegayaa in dowladda suuriya ay la wareegtay boqolkiiba toddobaatan gobohii ay gacanta ku hayeen mucaaradka.
Tobonaan kun oo qof ayaa sidoo kale ka qaxay weerarada ay ciidamada Turkiga ka wadaan magaaladda Afrin ee dalka Suuriya.
storvideo: 

G3