<>

Madaxweyne Farmaajo Oo ku wajahan dalka Qatar

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa saacadaha soo socdo lagu wadaa in uu ambabaxo dalka Qatar.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in Casuumaad rasmi ah uu ka helay madaxda sar sare ee dalkaasi.
Booqashadan ayaa waxaa madaxweynaha Soomaaliya ku wehlin doona illaa 6 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed.
Lama oga u jeedadka rasmiga ah ee safarka madaxweyne Farmaajo iyo waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan mas’uuliyiinta dalkaasi.
Balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka wada hadli doonaan arrimo la xariira heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee Dekedda Berbera oo ay wada galeen maamulka Soomaalilnad, dowladda Itooboya iyo Shirkadd DP World.
Shalay ayaana xubno horudhac u ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa ay gaareen dalkaasi Qatar.
The post Madaxweyne Farmaajo Oo ku wajahan dalka Qatar appeared first on Shabelle.

G3