<>

Ciidamada NISA Oo howlgallo ka sameeyay duleedka Muqdisho

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa saakay howlgallo ballaaran ka sameeyay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen deegaanada Weydow iyo Tareedisho ee duleedka magaalada Caasimadda ah ee  Muqdisho.
Waxaana la sheegay in howlgalladaasi Ciidamadu ay ku soo qab qabteen boqolaal dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood Ciidamadu ay Xabsiga dhigeen, halka kuwa kalena ay sii daayeen, sida la sheegay.
Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/cod-gobjooge-howlgal.mp3
The post Ciidamada NISA Oo howlgallo ka sameeyay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle.

G3