<>

RW Khayre oo Deyniile ku kormeerey Ciidamo loo...

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra'iisul Wasaaraha Xukuuymadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay kormeerey Ciidankaan oo sida gaarka ah loogu diyaariyey in ay fuliyaan howlgal qorshaysan oo lagu qaadayo dagaalyahannada Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugan Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Ciidankaan ayaa isku jira Boolis,Militari iyo Nabad sugidda Dalka,kuwaasi oo loo diyaariyay in ay qaadaan howlgal ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbIxin ku aadan diyaar garowga ciidanka ka dhageystay Sarakiisha hoggaaminaysa waxa uuna u muujiyey tageero,isagoo ku hadlayey magaca madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Ra'iisul wasaare Khayre iyo saraakiisha la socotay ayaa waxa uu booqday saldhigga Degmada Hodan,isagoo u kuurgalayay, sida ay u socdaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga,wuxuuna warbixin amniga la xiriirta uu ka dhageystay saraakiisha booliska.
kormeerkaan uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah fulinta qorshayaasha Xukuumadda oo Amnigu uu ugu horeeyo,habeen hore ayuu raiisul Wasaare Khayre iyo Guddomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay kormeereen xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin degmada Hilwaa ee Gobolkani Banaadir.
storvideo: 

G3